Madax goboleedyada iyo Rooble oo shir la leh gudiga doorashada heer federaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka iyo Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad gobleed, kadib walaac laga muujiyey hanaankii doorasho ee uu shalay soo saaray Golaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxa uu ka qabsoomaya teendhada Afisyoone, waxaana si gaar ah diirada loogu saari doona tabashada guddiga doorashada ee heer federaal uu ka qabo habraaca, xili uu kal hore asagu soo saaray habraac doorasho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo hirgalin lahaa habraacyada doorashooyinka dalka sida Amniga, Maaliyada, Xulista ergooyinka, Qoondada haweenka iyo habraacyada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland, oo muddo muran badan ka taagna.

War-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay in golahooda uu la wareegay awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, ayada oo habraaca ay soo saareen uu ku jiraan kuwo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu hoos u dhigay awooda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, oo kal hore soo saaray habraac doorasho, waxaana midka Goluhu uu awood buuxda siinayaan guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Arrintan ayaa waxaa si weyn u diiday dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay inay diideen habraacii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka.

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Murashaxiinta.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Goluha Midowga Murashaxiinta ayaa ku tilmaamay habraaca mid “dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay,” wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta.