Daawo: GOODAX Barre oo shaaciyey xaaladda ay ku sugan yihiin Dabageed iyo siyaasiyiin ka raacay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaankauu muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa si adag kaga hadlay xaaladda kacsan ee ka taagan Beledweyne, kadib markii ay xalay la wareegeen ciidan hubeysan.

Goodax Barre ayaa soo dhoweeyey ‘kacdoonka’ ka billowday Beledweyn ee looga soo horjeedo safarka madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu billowday Halganka iyo Geela loogu tala-galay ciidamada qabsaday magaalada ee ka soo horjeeda maamulka HirShabelle.

“Geela waa iskeenay, halgankana waa halkiisa,” ayuu yiri Goodax Barre oo ka hadlayey xaaladda adag ee magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo siyaasiyiintii ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya inay hataana ku jiraan xaalad go’doon ah, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Goodax oo si weyn u taageersan ciidamada la wareegay xarumaha Beledweyne ayaa intaasi ku daray inay suuragal tahay in lasoo ‘masaafuriyo’ mas’uuliyiintaasi.

“Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin uu ka watay Muqdisho ayaa ku jira xaalad go’doon ah kadib markii ay isku hareereeyen ciidanka lana wareegay dhammaan xarumahii maamulka gobolka, waxaana suurtagal ah in laga soo masaafuriyo magaalada Baledweyne” ayuu yiri Goodax Barre oo la hadlayey warbaahinta.

Xiisadda ka taagan Beledweyne ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday magaaladaas, waxaana kadib soo baxday in si awood ah Guudlaawe lagu geynayo, taas oo keentay in ciidamo ka soo horjeedo ay soo galaan Beledweyne.