Midowga Musharaxiinta oo diiday habraacii uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa war-murtiyeed kasoo saaray habraacyadii shalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay si adag uga horyimaadeen.

Golaha ayaa sheegay in habraacii kasoo baxay Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid khilaafsan dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-Maajo, islamarkaana si toos ah loogu gacan geliyay madaxda dowlad goboleedyada dalka, si lamid ah middii Aqalka Sare.

“Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii kasoo baxay Golaha Wadarashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qoddobada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayidka, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwaan-gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagna isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxmed Cabdilaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta lagu sheegay in habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga uu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudihiisa uu magacaabis toos ah yahay.

“Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay kamid tahay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan doorashadeena, in nidaamka dowladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dowladnimo sax ah.”

Ugu dambeyntiina Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay 7 qoddob oo ay ku sheegen in lagu gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.

Hoos ka aqriso War-murtiyeedka oo dhameystiran