Madax goboleedyada oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho, kadib fashilkii…

Muqdiso (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo magaalada Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, waxayna ka qayb-gali doonaan shir gaar ah oo la filayo in todobaadkan uu ka dhaco caasimada Soomaaliya.

Shirkan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii ay wasiiradu ku heshiiyeen wadahadalkooda.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay wasiirada dowlad goboleedyada ayaa sii joogaya Muqdisho, si ay u sugaan shirka u dhexeeyo dowladda federaalka dowlad goboleedyada, kaas oo lagu gorfeyn doono sidii xal looga gaaro lahaa ismari-waaga taagan.

Sidoo kale waxaa shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xogta aan helnay ayaa ku warrameysa in shirkan uu qabsoomi  doono ka hor Arbacada, gaar ahaan inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u safrin magaalada caasimad ah ee Nairobi, halkaas oo uu uga qayb- geli doono caleema saarka William Ruto.

Horey qorshuhu waxa uu ahaa in madaxdu ay isugu tegaan Garoowe, balse isbeddel lama filaan ah ayaa ku yimid jadwalkii hore, kadib markii uu khilaafa dhanka maaliyadda ah uu soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo keenay in maamullada ay xiriirka u jaraan wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka, kadib eedeymo culus oo ay u jeediyeen.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayadoo maamullada qaarna ay saluug ka muujinayaan hab dhismiskeeda dowladda cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo mar labaad xilka madaxweynaha loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.