MADAX iyo diblomaasiyiin hore oo ka hadlay musuqmaasuqa baahay ee Soomaaliya (Daawo)

Columbus (Caasimada Online) Agaasimhii  hore ee xafiiska Raisal wasaaraha Soomaaliya xilligii KMG Abuukar Daahir Cismaan Abuukar Baalle iyo Ergeygii hore ee Dowladda Soomaaliya u fadhiye dalkan mareykan Abuukar Armaan oo si wada jir ah ula hadley warbaahinta Dalmar Tv ayaa ugu baaqey marka in la joojiyo colaadda soo nqonoqtey ee ka jirta magaalada Galkacyo taasoo sababtey dhimashada dhaawaca iyo barakaca dad shacab ah.

Labada Aqoonyahan ayaa waxa ay muujiyeen sida uga xunyihiin khasaarihii ka dhashey dagaalladii galkacyo sida dakii ku dhintey kuwii dhaawacmey iyo qoysaskii ku barakacay iyagoo ka codsadey waxgaradka Soomaaliyeed iney u isataagaan ka qeybgalka dadaallada nabadda ee lagu lagu joojinayo colaadda muddada dheer ka taagan galkacyo iyo sidii daib guryahooda loogu soo celin lahaa dadkii barakacay.

Abukar Arman oo dhankiisa ka hadley dagaalladan ayaa waxuu carrabka ku dhuftey in dhibaatada colaadda ay salka ku heyso maamul xumo iyo faragalin lagu hayo rabitaanka shacabka reer Galkacyo waxuuna intaasi ku darey ku darey in colaadahani ay qeyb ka yihiin fashilaadda iyo guuldarrada dowladda Soomaaliya.

Abuukar Baalle ayaa isagana dhankiisa tilmaamey in wax lagu xumaado ay shacabka Soomaaliyeed oo isu hub uruursanaya si ay u dagaallamaan iyadoo taas baddalkeedana ay dalalka dariska qaadanayaan dalkooda sida uu hadalka u dhigey.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxa aay aad uga hadleen musuqmaasuqa baahay ee ka jira dalk iyo caddaalada darrada aan baaxadda lahayn. Waxaa aay u iftiimiyeen arrimo badan oo uu mugdi badan ka jiray iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aay la socdaan dhibka ka jira dalka, isla markaana aay ka mid noqdaan kuwa xalka keenayo.

Fadlan daawo Qeybta 1 iyo Qeybta labaad ee barnaamjika Musuqa iyo Cadaalaada.