Xildhibaan soo jeediyay qaabka ay Galmudug iyo Puntland ugu heshiin karaan GAALKACYO (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo hishiis buuxa ay kala saxiixdeen madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa haddana xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo jeediyay talo kahadleysa qaabka magaalada Gaalkacyo shacabka labada maamul ugu wada noolaan karaan.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in maamul dadka deegaanka u dhan yihiin oo sameeyo magaalada Gaalkacyo, kaasi oo keeni kara nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo.

Shariif Maxamed, ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo loo baahan yahay iney yeelato maqaan gaar ah oo ka duwan magaalooyinka kale ee labada maamul ka taliyeen, lana sameeyo maamul dadka waqooyiga iyo koofurta magaalada Gaalkacyo u dhan yihiin.

“Dagaalada Gaalkacyo ka sokow waxaa muhiim ah in magaalada yeelato maqaan gaar ah, oo dadka daga labada dhinac maamulka uu ka dhaxeeyo, sababtoo ah waa magaalo la wada dago haddana labo maamul ka taliyaan, sidaasi daraadeed waxaa haboon in qaab cilmi ah lagu dhameeyo maamulka magaalada”ayuu yiri xildhibaanka.

Gaalkacyo oo ay wada dagaan dad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa 22-kii iyo 28-kii Bishii November waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda deegaanada Galmudug iyo Puntland, waxaana ku dhintay dhinacyadii dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com