Sawirro: Cabdikariin Guuleed iyo C/Weli Gaas oo heshiis kala saxiixday iyaga oo wada qoslaaya.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lasoo afjaray saxiixii heshiiskii Gaalkacayo waxaana labada maamul u kala saxiixay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Shirka oo lagu gorfeeyay Colaada iyo sida ugu sahlan ee looga gudbi karo, ayaa waxaa inta kulanka uu socday madasha ka hadlay mas’uuliyiin dhowr ah, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxda maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed iyo wakiilo ka socday Beesha caalamka.

Afartii qodob ee horay loo shaaciyay ayaa la kala saxiixday, waxaana madasha ka muuqday dhoola cadeyn ay is weydaarsanayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ayaa goobta isku gacan qaaday.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ayaa heshiiska wada saxiixey, sidoo kale waxaa saxiixey markhaantiyaashii Heshiiska iyo Ra’isul wasaaraha oo wakiil ka ahaa DFS, waxaana labada dhinac ay is dhaafsadeen salaam iyo waraaqihii.

gacc_1

gacc_2

gacc_3

gacc_4
99
war1

war2