Xasan Sheekh oo jeediyay digniin iyo hanjabado

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow digniino kasoo saaray Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay inuu ka digaayo in la Siyaasadeeyo Dagaalada ka socda Gaalkacyo ee u dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waxa uu Xassan Sheekh sheegay in DFS ay la xisaabtami doonto cidii Siyaasadeyso Dagaalada Gaalkacyo, waxa uuna xaqiijiyay in dagaalkaasi uusan wax lug ah ku laheyn Siyaasada dalka ka taagan.

Waxa uu sheegay in DFS ay walaac gaar ah ka qabto dagaalka socda waxa uuna maamulada labada dhinac ee dagaalka uu u dhexeeyo uga digay inay ku dhiiradaan inay Siyaasadeeyan ama meel gaar ah dusha u saaran dagaalka socda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dhiiga Umada Soomaaliyeed oo la daadinaya aan lagu tilmaamin Siyaasad oo siyaasada laga daayo.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaan rabaa inaan ka hadlo Arinta la siyaasadeynayo, in laga daayo dhiiga Soomaaliyeed oo daadanaya Siyaasadeyn ma galo, dadka dhanka Siyaasada u jiidayo, meeshaas Gaalkacyo Koonfurteeda iyo Waqooyigeeda wax guul iyo horumar lagu gaarayo ma jiro.” .

Dhanka kale, Madxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in DFS ay horay uga digtay dagaalka la hurinaayo hadana ay mar kale ka digeyso inuu sii socdo dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com