Madax muuqda iyo middi saawira midna lagama samro

By AHMED KARATE

Salaan diiran kaddib, waxaan rajaynayaa in badan oo ku xiran boggan ay xusuusan yihiin qoraalladdii tirada badnaa ee taxanaha ahaa kuna saabsanaa taariikhda Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS), laga soo bilaabo aasaaskii ilaa burburkii dawladdii dhexe dhammaadkii 1990. Marnaba kama daali karo inaan u mahad celiyo maamulka bogga Caasimada oo fursad qaali ah ii siiyey inaan ka warbixiyo hay’addaas aan muddada dheer ka shaqaynayey. Sidaan hore u sheegay, waxaan ka mid  ahaa saraakiishii dhallinyarada ahayd oo nasiibka u heshay inay isbeddel casri ah ku sameeyaan xirfadaha xuuraanka ee NSSta, ha ahaato tiro ama tayo, anigoo ka hawlgalay gudaha iyo dibedda intaba, muddo ku siman 20 sannadood. Waxaan filayaa inaan in ku filan ka warbixiyey hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed, hase yeeshee markaan waxaan diyaar u ahay inaan soo bandhigo warbixinno xasaasi ah oo khuseeya hay’adaha kale ee dawliga,  haddii boggan uu mar labaad fursad ii siiyo inaan soo bandhigo.

Haddaan dib ugu laabto cinwaanka maqaalkan oo salka ku haya mid ka mid ah maahmaahda soomaalida, waxaan u soo qaatay kaddib markii aan dhowr jeer isku dayey inaan  tilmaamo  musibooyinka dalka iyo dadka ku habsaday isla markaana ifiyey tallaabooyin looga soo kaban karo, kuwaasoo giddigood ku biyo shubtay hal bacad lagu lisay. Sidaa awgeed, waxa damiirkaygu ii saamixi waayey inaan iska indho iyo dhego tiro, waayo waxaa weli ii muuqda dalkayga iyo dadkayga oo muqdi ku sii qulqulaya, haddii aan wax laga qabanna halis u ah inay baaba’aan. Marna igama suurowdo inaan ka daalo ilaa inta ay ii muuqdaan.

  1. Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya, waa mas’uuliyaddarro inaan dusha ka saarno cid kale oo aan Soomaali ahayn. Tusaale: burburkii dalka ka dhacay iyo middiyihii nalagu dooxay ee aan la tagnay shirarkii tirada badnaa ee ku magacaabnaa Dibu-heshiisiin, anagaa abaabulnay oo ka mas’uul ahaa. Anigu, laga soo bilaabo shirkii ugu horreeyey ee lagu qabtay magaalada Jabuuti bartamihii sannadkii 1991, oo aan Xoghaye ka ahaa, kana qayb galeen jabhadihii horseeday burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Shirkii markuu dhamaaday oo dalka lagu soo laabtay, giddigeen waan xusuusanahay dagaalkii caqlidarrada ahaa ee ka bilowday Muqdisho, kaasoo gaystay khasaare maf iyo maal aan la tirakoobi karin.
  2. Waxaa xigay shirar kale oo faraban oo giddigood isku ajende ahaa “Dib-u-heshiisiin”, hase yeeshee waxaa ka daroo dibi dhal noqday kii Kenya oo lagu soo dhisay dawlad aan ka tarjumeyn danta dalka iyo dadka soomaaliyeed soona dhiseen dalal shisheeye oo dano siyaasadeed oo gaar ah ka lahaa masiirka qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii ay soo bandhigeen nidaam aan aqoon u lahayn oo ah “Federalism” kuna saleysan qabiil. Waxaa hubaal ah in intii shirkaasi goobjoogga ka haa aanay midkoodna fahamsaneyn macnaha Federalism iyo ajendaha shirka intaba. Ku-dhaqanka Federalism-ka waxaa shuruud u ah ummad meel wada deggan oo aan wadaagin jinsi, luqad, diin iyo dhaqan. Somaliya intaba waa wadaagtaa, ku dhaqankiisana wuxuu sabab u yahay jabka maanta ku dhacay Somaliya.Taasi waxaa ka sii daray markii wufuuddii qaar ay ku doodeen in qabaa’l kale ay gumeystaan xorna u ahayn diintooda iyo dhaqankooda iwm. Waxaa ayaandarro ah in dadkii goobtaas joogay ay qaarkood maanta door laxaad ah ku leyihiin masiirka Ummadda Soomaaliyeed..Su’aashu waxay tahay: Ma maangaabnimo ayey ka ahayd mise dano kale oo shakhsiyadeed ayey hoosta ka wateen..

La soco qaybaha soo socda, Insha Allah.