Somaliland oo war cusub kasoo saartay gabadh lagu bahdilay isbitalka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay gabadh aan dhawaan xogteeda baahinay, midaasi oo qaab aan wanaagsaneyn loogula dhaqmay xili ay adeeg caafimaad u doonatay isbitaalka dowladda ee magaalada Hargeysa, xili ay iskaga shakisay cudurka halista ah ee Coronavirus.

Caasimada Online ayaa labo cisho ka hor baahisay in gabadhaasi oo xaalad adag oo neef qabatin ah wajaheysay ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday isbitaalka Hargeysa, iyada oo aan qaab aan wanaagsaneyn ay ula dhaqmeen dhakhaatiirtii ka howl-galeysay isbitaalkaasi, maadama ay ka cabaneysay calaamado kamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurka Covid-19.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in gabadhaasi loo qabtay adeeg caafimaad, balse ay wajaheysay cabsi badan, maadama ay iskaga shakisaneed cudurkaasi oo ku faafay deegaano badan oo kamid ah Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray inay jirto in qaab aan wanaagsaneyn loola dhaqmay, isaga oo ku dooday in adeeg caafimaad loo qabtay gabadhaasi oo wajaheysay neef qabatin.

Agaasimahaa ayaa sheegay in dhakhaatiirta isbitaalka dowladdu ay heegan yihiin markasta, isla markaana ay u adeegayaan xili kasta dadka caafimaadka u soo doonta, iyada oo Somaliland wajaheyso khatarta cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyntiinu waxa uu sheegay Agaasimuhu in gabadhaasi laga waayay cudurkaasi ay iskaga shakisaneed, kadib markii baaritaankeedii uu soo baxay, balse ay la tacaaleyso xanuun sababaya in mararka qaar ay neef qabatinto.

Agaasimuhu marnaba kama jawaabin in wasaaradoodu aysan meelo gaar ah uga diyaarin Isbitaalka dadka iskaga shikiya cudurka ee isku arka calaamado lamida kuwa ugu halista badan ee cudurkaasi, maadama si fudud lagu kala qaadi karo iyo weliba inay isbitaalka Hargeysa joogin dhakhaatiir qalabeysan oo daaweysa dadka iskaga shikiya cudurkaasi iyo kuwa uu soo ritaba.

Caasimada Online, ayaa hore u baahisay xogta iyo qaabka halista horseedi kara ee gabadhaasi loola dhaqmayba – Halkan ku dhufo si aad u aqrisato.