R/Wasaare Kheyre oo amray wasaarada maaliyada inay bixiso lacagta Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne.

Kheyre ayaa amarkan bixiyey kadib markii xalay uu uu warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay.

Qoraalkan laguma sheegin inta ay le’eg tahay lacagta ay bixineyso dowladda, ee Kheyre uu amray.

Warka kasoo baxay Kheyre ayaa yimid kadib markii guddiga gurmadka Beledweyne ay shaaca ka qaadeen in xukuumadda aysan bixin lacag dhan 500 oo kun oo dollar oo sanadkii hore ay ballan-qaaday, sidoo kalena aysan wax kaalin ah ku lahayn dadallada hadda socda.

Ma cadda in amarkan xalay kasoo baxay Kheyre uu sidoo kale noqon doono mid la mid ah kii hore, oo ku kooban afka un, wuxuuna yimid maalmo cadaadis iyo cambaareyn xooggan ay la kulantay dowladda.

Dhinaca kale Kheyre ayaa qeybaha kala duwan ee ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.

Dadaallada iminka ka socda Beledweyne ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga.

Dowladda federaalka ayaan illaa iyo hadda wax kaalin ah ku lahayn dadaallada socda, marka laga reebo 500 oo jawaano ciidda lagu shubo ah, oo ay ku deeqday, sida guddiga uu sheegay.