Deeqdii DF ay ku sheegatay Beledweyne oo la beeniyey – “Jawaano ciidda lagu shubo wax aan ahayn kama hayno”

Beledweyne (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa beeniyey sheegada dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay ka qeyb qaadaneyso dalaallada lagu doonayo in magaalada looga bad-baadiyo fatahaad laga cabsi qabo.

Xaaji Cusmaan ayaa sheegay in waxa kaliya ee dowladda ku sheegato howshan ay tahay 500 oo jawaanada ciidda lagu shubo ah oo eber ah oo shalay ay soo gaarsiiyeen magaalada, islamarkaana aanay jirin wax intaas ka dheer oo dowladda ay bixisay.

Guddoomiyaha, oo wax laga weydiiyey cidda bixisay qarashaadka shaqadaan lagu qabanayo, ayaa sheegay inay lacagtan isugu jiro 400 kun oo Dollar oo kasoo hartay lacag ay Somaliland ugu deeqday guddiga isla markaasna ay iyaga ku darsadeen lacag 130 kun oo Dollar ah oo ay aruuriyeen, wuxuuna guud ahaan sheegay in shaqadaan lagu qabanayo 550 kun oo Dollar.

Xaaji Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli guddiga soo gaarsiin lacagtii 500 kun ee Dollar oo ay sheegtay inay ugu deeqday fatahaadaha Beledweyne sanad ka hor, ayna marar badan ka hadleen, balse dowladda aan laga hayn wax aan hadal ahayn.

Waxa uu intaas ku daray in lacag 600 kun oo dollar oo Jabuuti ugu deeqda Beledweyne sanadkii tegay aan iyana la hayn, islamarkaana uusan garaneyn cidda dowladda Jabuuti ay lacagtaas u dhiibto oo qaadatay, haddii ay tahay dowlad ama cid kale.

Waxa uu mahad celiyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada Jubaland, Puntland iyo Somaliland, oo gargaar soo gaarsiiyey, balse cid kale aanay wax ku sheegan

Guddiga ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in ay xiraan meel la yiraahdo hilikiliyo oo dhanka waqooyi 8 km ka xigta magaalada Baladweyne, halkaasoo ay sheegeen in ay ka shaqeeynayeen 11 Cisho, Laguna guuleeystay in la xiro qiyaastii 5km oo ay biyaha webiga kasoo fatahmi jireen.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xaaji Cismaan