Xog: Somaliland oo qaab yaab leh ula dhaqanta dadka qaba cudurka COVID-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa inta badan sheegata in qaab gaar ah oo adeeg heer sare ah ay u diyaarisay dadka looga shakiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo dhowr jeer oo horena soo bandhigtay goobo ay ku sheegtay in lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi.

Arrinta yaabka leh ee ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in xukuumada Biixi ay gebi ahaanba adeeg caafimaad oo habeysan aysan u diyaarin dadka cudurkaasi looga shakiyo ama uu aad u soo rito xanuunkaasi ka hor inta ay soo bixin natiijada baaritaankiisu, midaasi oo kor u sii qaadeysa halista caafimaad ee ka taagan gudaha Somaliland.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa qaab burinaya sheegashada xukuumada Muuse Biixi ula  dhaqmay Gabadh dhawaan iskaga shikisay cudurka Coronavirus, oo ka dalbatay caawimaad deg-deg ah.

Gabadhaasi oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegtay inay ugu horeyntii isku aragtay Qufac, xumad iyo neef qabatin, midaasi oo dhalisay inay iskaga shakiso cudurka halista ee Coronavirus, maadama ay isku aragtay astaamihii ugu waaweyn ee lagu aqoonsanayey cudurkaasi.

Dhowr jeer oo ay wacday telefoonka ay wasaarada horumarinta caafimaadku u sameysay inay la soo xiriiran dadka iskaga shikiya cudurkaasi, ayaa haba yaraate laga jawaabin, iyada oo xaaladeeda caafimaad ay kasii dareysay marba marka kasii dambeysa.

Qoyska Gabadha ayaa isku raacay inay Gabadhooda gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah ay uga doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, si ay u hesho Oxygen oo xiligaasi ay si aad ah ugu baahneyd, maadama ay laheyd neef qabatin saa’id ah.

Iyada oo loo sii qaaday Isbitaalada gaar ah ee Hargeysa, ayaa waxa suurta-gashay in khadka telefoonka isku helaan wasaarada caafimaadka oo iyagu markiiba ka dalbaday in Isbitaalka dowladda ee Hargeysa la keeno gabadha, isla markaana lagula tacaali doono xaaladeeda, waa sida uu waqtigaasi u sheegay sarkaalkii caafimaad ee telefoonka kala hadlayey.

Markii la geeyay gabadha Isbitaalka Hargeysa ayaa waxa markiiba la galiyey qeybta Emergency-ga maadama ay aad u qabaneysay Neeftu, walow aysan helin adeeg caafimaad oo dhameystiran, iyada oo aan lagu xareyna meel gaar ah maadama ay iskaga shaki qabto cudurka Corona oo si fudud ugu dhex faafi kara bukaanada kale ee xanuunada kala duwan u jiifa isbitaalkaasi.

Arrinta la yaabka leh ee ay Gabadhu noo sheegtay ayaa aheyd in markii lagu xiray Oxygen-ta aysan dhakhaatirtu xirneyn wax qalab ka hortaga, iyagoona qaab aan wanaagsaneyn ula dhaqmayey, waxaana xiligaasi loo ogolaadeyna in gabadh walaasheed ah oo iyadana aan la siin qalabka la iskaga difaaco Coronaha ay xaaladeeda dul joogteyn ka noqoto, midaasi oo meesha ka saaraysa Karantiilkii ay hore u sheegtay xukuumadu Muuse Biixi, kaasi oo ahaa in goob gaar ah lagu baxnaaniyo qofka looga shakiyo iyo kuwa uu soo rito cudurkaasi

Ugu dambeyntiina markii ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday Gabadhaasi Isbitaalka dowlada, waxay qoyskeedu go’aansadeen in iskaga noqdaan gurigooda, halkaasi oo lagu baxnaaniyo, isla markaana ay ku sugayaan natiijada baaritaanka cudurka ay iskaga shikisay ee Coronavirus.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si dhab ugu diyaar garoobin cudurkaasi safmarka ah oo ku faafay qaar kamid deegaanadeeda, iyada oo ay dhowaana u geeriyoodeen labo qof oo cudurkaasi qabay, iyada oo lala xiriirinayo inaysan helin adeeg caafimaad oo tayo leh, walow ay dhamaatay saacadoodii.