Minneapolis (Caasimada Online) – Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay shakhsiyaad uu ka mid ahaa, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxmaan Yabarow.
Yabarow, oo ah suxufi rug caddaa ah, ayaa abaalmarinta loogu magac-daray “Halyeyga” ku guddoomay xarunta ay munaasabadda ka dhacday oo ay xaadir ku ahaayeen boqollaal qof oo u badnaa Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.
“Abaalmarintan waxay ka dhigan tahay oo ay qireysaa waxqabadkeygii inta aan kusoo jiray warbaahinta, iyo VOA-da oo ay dadka igu xasuustaan dhowr iyo tobanki sano ee u danbeeyay ee aan madaxda ka ahaa. Sidoo kale guushan waa mid u soo wada hoyatay dhammaan shaqaalaha VOA, kuwa jooga Washington iyo kuwa dunida daafaheeda ku baahsan,” ayuu yiri Cabdiraxman Yabarow.
Cabdiraxman Yabarow, oo warbaahinta kasoo billaabay Radio Muqdisho todobaatameeyadi, ayaa u guuray Mareykanka billowgii siddeetamaadki.
Marka laga yimaado tacliinta u ku qaatay Mareykanka, wuxuu door ka ciyaaray horumarinta saxaafadda Soomaaliya, isaga oo u soo shaqeeyay idaacadaha caalamiga ah ee kala ah BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga iyo Voice of America.
Wuxuu hormuud u ahaa saxafiyiintii lagu furay qeybta Soomaaliga ee VOA, oo uu marki danbana madax ka noqday sannadki 2009-ki.
Tan iyo xilligaasi, wuxuu VOA Somali gaarsiiyay in ay noqoto warbaahinta loogu dhageysiga badan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan dhulka ay Soomaalida degto ee Bariga Africa.