Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib xadgudubkii ay Dowladda Imaaraadka Carabta kula kacday qarannimada Soomaaliya, waxaa soo ifbaxay khilaafka ka dhex jira madaxda Dowladda Federaalka ee ku saabsan sida looga falcelinayo arrintaas.
Labada masuul ee ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Cali Balcad, ayaa si kala duwan uga hadlay arrintan. Balcad wuxuu hoos u dhigay saameynta xadgudubka Imaaraadka, halka Fiqi uu ku gooddiyay in la qaadi doono tallaabooyin jawaab ah.
Labada nin, oo mid walba muujinaya in uu hadalkiisa ku metelayo Dowladda Federaalka, ayaa qayb ka ah jahawareerka siyaasadda dibadda Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa ay arrintani muujinaysaa sida madaxda sare ee dowladda ugu kala aragti duwan yihiin in tallaabo adag laga qaado Imaaraadka, kaas oo dhawaan sidii dal madax-bannaan ugu casuumay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, shir ka dhacay Dubai.
Fiqi iyo qaadista tallaabo jawaab ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa caddeeyay in aysan oggolaan doonin faragelin, kadib xadgudubkii qarannimo ee bartamihii Febraayo ka dhacay Dubai, halkaas oo Somaliland loogu yeeray “Dal iyo Jamhuuriyad,” iyada oo ay tahay maamul-goboleed ka mid ah Soomaaliya.
Inkasta oo Fiqi hoos u dhigay maqaamka la siiyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro—oo uu ku tilmaamay mid la mid ah hoggaanka dowlad-goboleedyada kale—haddana wuxuu muujiyay in lagama maarmaan tahay qaadista tallaabooyin looga hortagayo faragelinta Imaaraadka.
“Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya oo tabasho qaba, waxaana naga go’an in aan is faham ku xallino. Tegista Cirro ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta waa iska socodka dowlad-goboleedyada oo kale,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu intaas ku sii daray: “Xidhiidhka Imaaraadka Carabta se tallaabooyin ayaan qaadaynnaa, mana oggolin faragelin.”
Balcad: Looma baahna wax tallaabo ah
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in casuumaaddii Cirro aysan waxba u dhimi doonin xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in Imaaraadka uu yahay mid ka mid ah dalalka sida weyn Soomaaliya uga taageera dhismaha ciidamada.
“Anaga iyo Imaaraadka xiriir taariikhi ah baa naga dhexeeya. Waa dal ay Soomaalidu u badbaadeen xilligii dagaallada, halkaas ayeyna ganacsigooda kasii wateen. Ganacsiga caalamiga ah ee ugu weyn ayuu ku xiran yahay Imaaraadka, shirkadaha ugu badan ee Soomaalida halkaas ayey kasoo faracmeen. Marka dhanka ganacsiga, xiriir aad u weyn baa naga dhaxeeya,” ayuu yiri Cali Balcad.
Wuxuu intaas ku sii daray: “Dhanka siyaasadana, Imaaraadka wuxuu ka mid yahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageeray dhismaha amniga.”
Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso ka-qaybgalka maamul-goboleedyada, oo ay ku jirto Somaliland, shirarka lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Si kastaba ha ahaatee, Balcad wuxuu gebi ahaanba iska indho tiray culeyska tallaabada Imaaraadka, taas oo lagu macneeyay in ay “garab-siineyso kala-go’a Soomaaliya,” maadaama Somaliland la siiyay maqaam aan caalamku u aqoonsaneyn, xadgudubna ku ah qarannimada Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa hore ula dagaashay Itoobiya kaddib markii Somaliland ay la gashay is-afgarad dhanka badda ah, kaas oo Madaxweynihii hore ee Somaliland sheegay in ay ku beddesheen aqoonsi.
Tallaabada Imaaraadka Carabta ayaa sida muuqata wax badan ka duwanayn wixii hore loola dagaallamay Addis Ababa, oo iyadu ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya, inkasta oo ay markii dambe dib uga joogsatay is-afgaradka Somaliland.