Madaxda DF oo isku raacay QORSHE ka dhan ah qaar ka mid ah askarta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay qorshe cusub oo qeyb ka ah sugida ammaanka magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in xubin kasta oo ciidanka Booliska ka tirsan ee isticmaasha waxyaabaha Maandooriyaha in ciidanka Booliska laga saarayo, sidaasna ay isku raaceen madaxda sare ee dalka.

“Waxa la dagaalameyna maandooriye oo ogtihiin dhibta uu ku hayo dadka iyo dalkeena, waxaa go’aansanay in aan ka suulino ciidanka dhexdiisa. Xubin kasta oo Booliska ka tirsan oo isticmaasha maandooriye nooca uu dooni ha ahaado in ciidanka kamid ahaan ayaa go’aansanay oo banaanka uga saarno,” ayuu yiri S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si adag ula-dagaalamayaan cidkasta oo ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, “Cid kasta oo waxaas ku lug leh oo gada, beerta, dibada ka keenta in tallaabo waafaqsan sharciga ka qaadno.”

“Waxaa la dagaalameyna nolosha qofka muwaadinka ah ee u adeegno iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo inagu ku jirno in aan ka hortagno waxa khatarta ku ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa waxa kale oo uu xusay in taliska Booliska ay ka go’an tahay inuu soo celiyo sharafka iyo qiimaha uu leeyahay ciidanka Booliska, oo sanadihii dambe si weyn u lumay kadib ficillada askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa wada qorshe dib u habeyn loogu sameeynayo ciidanka ka howl-galla gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo hore u ballan-qaaday in askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka la marin doono ciqaabta ugu adag ee sharciga.

Si kastaba, Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanayey, ayada oo ay ka dhaceen dilal, dhac iyo iska hor-imaadyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaasi oo sababay dhimashada shacab badan.