27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Madaxda DF oo kala qaatay lacagtii Sacuudiga!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa sheegeysa in dowladda Federaalka ay heshay qeyb ka mida lacagtii Boqortooyad Sacuudiga siisay dowladda Soomaaliya ay soo gaartay khasnadda dowladda.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhowaan ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag dhan 50 Milyan oo doolar, lacagtaas oo u kala qeybsaneyd laba qeybood, ayaa qeybta hore waxay ahayd 20 Milyan Doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda dowladda, halka 30 Milyan oo Doolar loo qoondeeyay mashaariic laga fulinayo dalka Soomaaliya.

Lacagtan ayaa dowladda looga dhigay abaalmarin kadib markii ay xiriirka u jartay dowladda Iran oo ay Sacuudiga isku dhaceen.

Waxaa khasnada dowladda ku soo dhacday 20-ka Milyan ee kabka Miisaaniyadda dowladda, xilli ay mushaar la’aan yihiin dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, laakiin nasiib darro waxay madaxda sare ee dowladda lacagtaasi ka dhigteen sahay ay kala qeybsadeen madaxda sare ee dowlada.

Maadaama lacagtan ahayd mid kaash ah, waxaa sahlanaatay in la kala xado, ayada oo aysan jirn cid dowladda kula xisaabtameysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News