Madaxii Soomaaliya ee WTO oo is-casilaad lama filaan ah u gudbisay FARMAAJO, eedeysayna saraakiil sare

Geneva (Caasimada Online) – Madaxa Wada-xaajoodka ganacsi ee Soomaaliya uga wakiilka ahayd Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO Maryan Hassan ayaa is-casishay ayada oo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda ku eedeysay inay si joogto ah u wiiqeen.

Maryan ayaa waxaa shan sano kahor magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana aqoonyahan xirfadle ah oo aad loo ixtiraamo.

Qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ayay Maryan ku tiri “Waxaan caawa is-casilaadeyda u gudbiyey madaxweyne Farmaajo. Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan dalkayga ku matalo WTO, aniga oo ah madaxa wada-xaajoodikii ugu horreeyey ee ganacsi ee Soomaaliya.”

“Inkasta oo aan haystay taageerada buuxda ee madaxweynaha, haddana si joogto ah ayaa la ii wiiqay. Waxaan ahay xirfadle, maahi siyaasi. Hoos ayaan u dhigay madaxayga, waxaan gudanayey shaqadayda. Nasiib darro, saraakiil sare ayaa toddobaadkii tegay baabi’iyey horumaradii aan sameynay, taasi oo horseeday qalalaase diblomaasiyadadeed.”

Maryan ma shaacin waxa dhacay, iyo cidda ay ka tabaneyso midna.

Soomalaiya ayaa 12-kii December 2015 codsatay inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, waxaana bishii December 2016 la aas-aasay guddiga eega kiiska Soomalaiya.

Waa tuma Maryan Hassan?

Ka hor inta aysan noqon madax wada-xaajoodka ganacsi ee Soomaaliya ee WTO, Maryan ayaa kasoo shaqeysay goboo ay ka mid yihiin rugta ganacsiga caalamiga ah iyo howlgalka Soomaaliya ee QM.

Waxay sidoo kale xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka Soomaaliya kala talisay arrimaha la xiriira xeerarka daweyne ee caalamiga ah iyo xeerarka dambiyada caalamiga ah, sida soo wareejinta maxaabiista Soomaaliya ee dalalka kale, gaar ahaan kuwa dalal ku yaalla badweynte India loogu xiray eedeymo la xiriira burcad-badeednimo.

Waxay sharciga ka baratay machadka SOAS Law ee Jaamacadda London iyo Machadka Sharciga ee Jaamacadda Harvard .