Sawirro: Wafdi ka socda Qatar oo gaaray Kismaayo

Ksimaayo (Caasimada Online) – Safiirka dowladda dalka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho, Xasan Xamza Asad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Wafigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo, Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweynaha ku xigeenka ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyey amniga Kismaayo, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaaladaasi.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xariira sidii ay xariga uha jarin lahaayeen mashaariic horumarineed oo ay Qatar ka fulineyso halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulan gaar ah ay la qaataan madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, waxaana mashaariic kala duwan ay ka fulisaa magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.