PUNTLAND oo qaadacday shirkii uu FARMAAJO ku casuumay M/Goboleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Cabdulllaahi Cali Xirsi (Timacade) oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa qaadacay shirkii uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumay madaxda dowladda goboleedyada, si looga arrinsado doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Timacade ayaa shaaciyey in Puntland aysan ka qeyb-geli doonin shirkaasi, islamarkaana ay taageersan tahay baaqii guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulllaahi ee ahaa in la’isugu yimaado shir wadatashi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaan aysan qeyb ka noqon doonin mar-marsiiyo uu sheegay inay wadaan madaxda dowladda dhexe, si dib loogu dhigo doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhamaadka sanadkan illaa 2021-ka.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay inay muhiim tahay in ilaaliyo waqtiga doorashada, islamarkaana laga heshiiyo nooceeda, si ay noqoto doorasho la wada ogol yahay oo ay qeyb ka yihiin saamileyda siyasadeed ee dalka.

Puntland oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Villa Soomaaliya ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee ka hor-yimaad casuumaada uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka, ka hor inta uusan aadin Jabuuti.