Sawirro: Wasiirka maaliyada Itoobiya oo socdaal ku yimid Muqdisho iyo ujeedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, sida ay maanta ku warantay dowladda Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wasiirka uu siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus ee Soomaaliya.

Axmed Shide ayaa sidoo kale intii uu joogay Muqdisho la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ku qaabilay madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooratay inaysan shaacin booqashadan, mana cadda sababta ay sidaas u dooratay, waxaana laga warhelay un markii uu qoraal ku saabsan barta twitter-ka soo dhigay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludin Mustafa.

“Tani waxay daqiiqad muhiim ah u ahayd xiriirka labada dal, waxay wada-hadallo miro dhal ah ka yeesheen dhinacyada iskaashiga, iyo wareejinta agabka iyo dawooyinka aadka loogu baahan yahay ee COVID-19, waxay caddeyn u tahay xiriirka wnaaagsan ee sii kordhaya ee labada dal,” ayuu yiri safiir Jamaludin Mustafe.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo inta aan la dooran aad looga yaqiin nin isu muujiya inuu neceb yahay Itoobiyaanka, kuna sheegi jiray cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, ayaa markii uu xilka qabtay Itoobiya ka dhigtay saaxiib, isaga oo ra’iisul wasaaraha dalkaas ugu yeera “walaalkey”.