Warbixin: 2-da gobol ee ugu awoodda badan Itoobiya oo qarka u saaran DAGAAL

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxaysa Amxaaradda iyo Tigrayga, oo ah labada gobol ee ugu awoodda badan Ethiopia, ayaa sii kordheysa kadib markii wadanku uu doorashooyinkii u dhigay sanadka dambe, sida ay sheegtay Hey’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha, International Crisis Group (ICG).

Gobolka Waqooyi ee Tigrayga oo ku dhawaad 30 sano dalka xukumayay ayaa waxaa gees u riixay Dowladda Federalka ah ee fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa, taasi oo kordhisay khatarta ah in uu dagaal militari ka dhaco waqooyiga. Labada gobol waxay wadaagaan xuduud waxayna isku khilaafsan yihiin xilliga la qabanayo doorashooyinka federalka.

Tartanka u dhaxeeya qowmiyadaha Ethiopia iyo xisbiyadda siyaasadda oo batay ayaa calaamad u noqday Dowladda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sababtoo ah waxaa uu damaanad qaaday xoriyad weyn oo bulsho iyo mid siyaasadeed.

Laakiin, warbixinta hey’adda caalamiga ah ee xasaradaha waxay sheegeysaa in muranka u dhaxeeya Amxaaradda iyo Tigrayga uu yahay kii ugu qaraaraa oo ay hurisay qowmiyanimadda labada gobol.

William Davison, oo ah taxliiliye sare oo kooxda xasaradaha u qaabilsan Ethiopia, ayaa sheegay in muwaadiniinta Amxaaradu ay rumeysan yihiin in goobo muhiim ah oo ay ku jiraan Wolqait iyo Raya ay goosteen Tigraygu markii la sameynayay qariiradda federalka Ethiopia, horraantii sagaashamaadkii.

“Dhibaatadda muddo tobanaan sano ah ayey jirtay,” ayuu yiri Davison. “Waxay qaraxday oo ay sii xoogeysatay intii ay socdeen mudaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday ee 2016 ilaa 2018.  Dhibaatadu ma aysan dhamaan waxayna isku qastay danaha Ethiopia ee gobolka.”

Iyadoo ay xiisaddu sii xoogeysatay, xisbiga Tigrayga ee ah xisbul xaakimkii hore ayaa ku goodiyay in ay qabsanayaan doorashooyinkooda gaarka ah.

Qorsha doorashadda ayaa siyaasiyiinta Tigrayga iyo Amxaaradda ku hogaamiyay in ay meel adag kala istaagaan, sida lagu sheegay warbixinta oo soo xiganeysa hadalkii uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo ahaa in ficil xumo walba oo dhexmarta labada gobol ay dhaawici doonto dadka iyo dalka.

Davison waxaa uu tilmaamay in xiriirka u dhaxeeya xisbiga Tigrayga iyo Dowladda Federalka Ethiopia uu sii xumaanayo.

“Dadku waa in ay tanaasul raadiyaan waxaana u baahanahay cimilo siyaasadeed si aan tanaasul u raadino,” ayuu yiri Davison.

“Laakiin waxaan fahmayaa, nasiib-darro in aanan taas heysan..waa ay adkaan doontaa in wax horumar ah laga sameeyo muranka dhulka ee u dhexeeya Amxaarada iyo Tigrayga. Sidaas darteed, dhibaatadu waa ay sii qasmeysaa mana dhamaaneyso, waxaana kasii daran xiriirka Tigraygu la sameysteen xubno Dowladda ka tirsan iyo dhibka kala dhaxeeya Amxaarada in uu isu badeli karo mid dhiig ku daato.”

Saraakiil badan oo ka tirsan Amxaaradda iyo Tigrayga oo uu ku jiro Madaxweyne ku-xigenka gobolka Tigrayga Fanta Mandefro ayaa diiday inay ka jawaabaan si wax looga weydiiyo khilaafka goboladda u dhexeeya.

Laakiin, Dessalegn Chanie Dagnew oo ah Guddoomiyaha dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ah ee Amxaaradda ayaa sheegay in qariiradda Ethiopia oo lagu saleeyay dhul-qowmiyadeed ay tahay sababta khilaafka, mana ahan Amxaaradda iyo Tigrayga keliya ee sidoo kale gobollo badan ayuu khilaafku ka jiraa.

“Waxaan dhihi lahaa fowdadu waxay ka dhacday melo badan kuma koobna keliya Amxaaradda iyo Tigrayga,” yuu yiri Dessalegn. “Laakiin haddana ma filayo in uu jiri doono isku dhac.”

Si loo yareeyo xiisadda, Kooxda Caalamiga ee Xasaradaha waxay ku taliyeen in guddiga xuduudaha qaranka uu fududeeyo wada xaajoodka isagoo ka warbixinaya dhulka lagu tartamayo ee labada gobol.