Guuleed: Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxay weli marayaan halkii ay shan sano kahor joogeen

Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay heshiiskii xalay lagu gaaray shirkii wada-hadallada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in maanta wadahadadii Soomaaliya iyo Somaliland ay wali marayaan halkii shan sano ka hor ay joogeen, oo aysan waxba iska beddelin.

“Anigoo soo dhaweynaya dib u bilowga wadahadalada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland iyo heshiiska isfaham ee lagu gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, haddana waxaa wax laga xumaado ah in maanta wadahadadii Soomaaliya iyo Somaliland ay wali marayaan halkii shan sano ka hor ay joogtay, ayadoo wax horumar ah aysan dowladda hadda joogto ku darin,” ayuu yiri Guuleed.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa wax lala yaabo ah in wadahadaladii Jabuuti ee hoggaanka dowladdu sida mugga weyn leh ay oga qeyb galeen uguna muujinayeen shacabka Soomaaliyeed inay wadahadadaasi wax weyn ka soo baxayaan laga soo saaro qodob oo 6 sano ka hor la gaaray.”

“Haddaba waxaa muuqata in wadahadalada iyo dib u heshiisiinta Somaliland ay hoggaanka dowladda oga baahan tahay faham, rabitaan iyo niyad wanaag dhab ah.”