M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxaana uu Safarkaan noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku tagay magaalada Kismaayo tan iyo intii uu noqday M/weynaha Soomaaliya .
Eng. Yariisoow oo ah afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, oo wareysi gaar ah siinayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ujeedka uu M/weynaha u tagay Kismaayo ay tahay sidii loo dar dar galin lagaa Heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Addis-Ababa, kaasoo ay kala saxiixdeen DFS iyo maamulka KMG ah ee Jubba.
Eng. Yariisoow, ayaa sidoo kale sheegay in M/weynaha inta uu joogo magaalada Kismaayo uu u kuur gali doono Xaalada guud ee magaalada, sidoo kale waxa uu sheegay inuu la kulmi doono M/weynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.
Mar Eng. Yariisoow la weydiiyay in Safarka M/weynaha ee Kismaayo uu salka ku haayo sidii Axmed Madoobe loogu soo qancin lahaa inuu kasoo qayb galo Shirka 2da November ka dhici doona magaalada Muqdisho, ayuu Yariisoow sheegay ineeysan taas la xiriirin, balse M/weynaha safarkiisa uu qayb ka yahay Safar uu mudooyinkaanba ku kala bixinayay qaybaha kala duwan ee dalka.
Shirka 2da November ee Muqdisho:
Bisha November 2deeda, oo ay maalmo yar naga xigaan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir lagu heshiisiinayo beelaha daga Jubooyinka, kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii ay DFS iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Qaar kamid ah Ergada Shirkaan ka qayb galaysa, ayaa la sheegayaa ineey durbaba kusii qul qulayaan magaalada Muqdisho.
Maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa iyagu horay u qaadacay shirkaas, laakiin Safarka M/weyne Xasan Shiikh uu maanta ku gaaray halkaas, ayaa lagu wadaa inuu badalo Fikirkii hore ee Axmed madoobe islamarkaasna uu M/weynaha ku qancin doono ineey kasoo qayb galaan shirka 2da November ka furmaya Muqdisho











