28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Marka & Yariisoow (Bulxan & Gurxan)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gudoomiyaha degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa dadkii bukaanka ahaa ee qabay cuddurka Aids-ka ka saaray cusbataalkii magaalada Marka. Haddaba, Bulxan & Gurxan oo ah labba jaajaale maxay ka yidhaahdeen bukaankii loo diiday dawooyinkii ay bixin jirtay hay’adda COSV?

Bulxan:

Dhagarta laga galay dadkaa
Dhaawaca cudur halisi hellay
Dhibaatiyo ciil la badday
Ninkaa dhoosha ka qoslayee
Banaanka dharka u dhigoow
Kollay maba aad dhammide
Dhallaan raad-laad tahaye
Miyaanad dhiigiyo uus lahayn?
Darreen iyo dhimmir lahayn?
Sideed dad dhibaato qaba
Bukaanoo cudur ku dhacay
Dhakhtarka uga baacisaa?
Maxaa kugu dhacay Yariis?
Ma dhuuni ayaad rabtaa?

Gurxan:

Hayaddii Dhaqaalihii ma bixin
Dheeftiyo Doolarkii la waah
Dhuunigiyo deeqdii yarayd
Dharaarahan maanu hellin
Dhammaan dadka Aids qaba
Dadkaa dhakhtarka u raboow
Haddaad lacag dhiibaysaan
Xawaaladda soo dhiggoo
Dhergiya maamulkiyo duqay
Haddii kale dhaantadiyo
Dhagaha jabaqda nooga daa!

Waxa Curiyay (W/C): Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Assad)
Barmaamijkii Murtisoor (Bulxan & Gurxan)
W/C: Axmed-Assad
Facebook: Axmed.Assad
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News