Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi lagu garaacay Mas’uul ka tirsanaa BF Somalia iyo tiro weriyayaal ah.
Garaaca Weriyayaasha ayaa yimid kadib markii ay isku dayeen inay wareysi ka qaadan Mudane ka tirsanaa BF Somalia oo isaguna la garaacay.
Qaar ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ayaa kusoo xoomay Xildhibaanka iyo Weriyayaasha waxa ayna u geesteen garaac iyagoona ka qaaday dhamaantooda qalabkii ay wateen.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Kulalihi oo la hadlay Warbaahinta ayaasheegay in Ciidamada Madaxtooyadu ay ku qaldan yihiin falkii ay ku kaceen, taasina ay tahay meel ka dhac.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in falkaani lagu sameeyay uu dhacay xili uu doonaayay inuu qaabilo madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]