26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Xaalka Hargeysa oo kacsan iyo khilaaf adag oo ka dhex aloolsan Siilaanyo &..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhex taagan yahay Xukuumada Maaulkaasi.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay wakhti kororsiga ay ku dhaawaaqeen Gudigga doorashooyinka Somaliland.

Khilaafkaani ayaa imaanaya kadib markii Gudigga doorashooyinka ay sheegen in dorashada ay dib u dhaceyso muddo dhowr bil ah, waxaana la soo sheegayaa in Xisbiyada Mucaaradka ay wadaan Ololo loga soo horjeedo Xukuumada Maamulkaasi, iyadoona xaalad kacsanaan laga dareemayo Magaalada Hageysa.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Keyse oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Gudigga doorashooyinka uu yahay mid aan marnaba la aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in aysan diyaar u aheyn in la qaadaco qodobada ku xusan Dasturka ee ku aadan Doorashada, waxa uuna carabka ku dhuftay inay qaadi doonaan talaabooyin lid ku ah go’aanka Gudiga dooraashooyinka.

Dhanka kale, Go’aanka Gudiga doorashooyinka ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Maamulkaasi uu doonaayo inuu dib isu soo sharaxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News