Madaxweynaha Algeria oo markale u gefay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxeynaha wadanka Algeria ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika, Cabdil-Majiid Tabuun oo ka hadlayey xaaladda adag ee dalka Liibiya, gaar ahaan dagaallada ka socda gudaha dalkaasi ayaa markale u gefay Soomaaliya.

Cabdil-Majiid Tabuun oo shalay hadal siiyey warbaahinta ayaa soo qaatay tusaale uu ku liidayo Soomaaliya, isaga oo ka digay xaaladda ay ku socoto Liibiya iyo fara-gelinta shisheeye in laga dhigo Soomaaliyada cusub oo kale.

Madaxweynaha Algeria ayaa tilmaamay in la wada ogyahay xaaladda Soomaaliya, Liibiyana haatan ay ku socoto tubtaas, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qabiilada Liibiya haatan la hubeynayo, iyada oo dano gaar ah laga leeyahay, si ay dagaallada ka socda dalkaas qeyb uga noqdaan.

“Isu hubeynta Beelaha waxa ay Liibiya ka dhigeysaa Soomaaliyada cusub oo kale.” ayuu yiri Madaxweynaha Algeria.

Waa markii labaad ee dalka Algeria u gefayo Soomaaliya, iyadoona dhowaan wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Sabri Boukadoum oo la hadlayey wariyeyaasha uu isna tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya, isaga oo xilligaas ka hadlayey xaaladda Liibiya.

Weli dowladda Soomaaliya kama aysan jawaabin hadallada xanafta leh ee ka soo yeeray madaxda wadanka Algeria oo ka mid ah dalalka dhaca waqooyiga Afrika.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan dalkan oo kaliya wadamada tusaalaha xun u soo qaatay Soomaaliya, waxaana jira dalal kale oo horey ugu gafay, sida Uganda iyo Mareykanka oo madaxweynayaashooda ay tusaalooyin aan wanaagsaneyn ka bixiyey dalkeena.