Weerar khasaare geystay oo ka dhacay GALGADUUD

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu ka dhacay tuulada Orshe ee ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dad isku qoys ah oo ku sugnaa tuuladaasi ay mar qura rasaas ku furtay kooxda maleeshiyada ah oo goobta isaga baxsatay.

Inta la xaqiijiyey ugu yaaran hal qof aya ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo caruur ay ku jiraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadaasi ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinka maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Inta badan waxaa Galgaduud iyo Mudug ka dhaca weeraro ay geystaan koox maleeshiyaad ah oo ku sugan gobolladaasi, kuwaas oo mararka qaar dagaalama.