Xog: Halka xal ee kaliya ee ay u badan tahay inuu kasoo baxo shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarunta madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb waxaa xalay iyo shalay ka dhacay kulamo u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada oo ujeedkoodu yahay in xal looga gaaro nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.

Sarkaal ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in kulamadan ay ahaayeen kuwii rasmiga ahaa, islamarkaana shirka ka dhacaya hoolka shirarka uu yahay oo kaliya mid khudbado laga jeedin doono kadibna lagu soo bandhigi doono waxa kulamadan kasoo baxa, islamarkaana uusan qaadan doonin wax ka badan maalin ama laba maalin.

Sababta ayuu ku sheegay inaan la qaban karin kulanka weyn ayada oo aan heshiis la gaarin maadaama uu yahay mid dadka oo dhan iyo warbaahinta u furan islamarkaana aan dood iyo buuq lagu muujin karin.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay u badan tahay in wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka aan lagu gaari doonin Dhuusamareeb, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda.

“Madaxweyne Farmaajo kama tanaasuli doono doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, iimana muuqato inuu dhinacna ka tanaasuli doono aragtidiisa inta halkan Dhuusamareeb la joogo,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Villa Somalia ee la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu sheegay in xalka kaliya ee muuqda una badan tahay in shirka Dhuusamareeb lagu gaaro uu yahay in lagu dhiso guddi farsamo oo ka kooban wasiiro heer federal iyo heer gobol ah, oo kasoo shaqeeya haddii meel dhexe oo la isugu iman karo, kadibna madaxda ay shir kale isugu yimaadaan toddobaadyada soo socda.

Shirkaas ayuu sheegay inuu ku qabsoomi karo laba ama saddex toddobaad gudahood, kana dhici karo magaalooyinka Baydhaba ama Muqdisho, inkasta oo ay u badan tahay Muqdisho.