Xog: Caqabad soo wajahday shirka madaxda DF Somalia iyo madax goboleedyada

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid furitaanka shirka weyn ee madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo la filayey inuu maanta ka furmo gudaha magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa weli socda kulamo gaar-gaar ah oo u dhexeeya labada dhinac, si xal looga gaaro is-faham-waa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa xalay Dhuusamareeb ka qabsoomay shirar u dhexeeyey madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo shanta madaxweyne goboleed, kuwaas oo lagu ballamay inay sii socdaan,inta la isaga soo dhowaanayo, iyadoo shirka weyn uusan maanta furmi doonin.

Qodobka aad la’isugu hayo ayaa ah nooca doorasho ee la qabanayo, iyada oo ay dowladdu dooneyso, gaar ahaan madaxweynaha in la’aado doorasho qof iyo cod ah, halka madaxweynayaasha maamullada ay ku doodayaan in la qabto doorasho dad badan.

Arrintaan ayaa cakirineysa xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyada oo maalmo badan ay is-horfadhiyaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada iyo kuwa dowladda dhexe, balse ma jirto illaa iyo hadda wax natiijo ah oo la gaaray, taas oo saluug xoogan laga muujinayo.

Kulamada hadda socda ayaa ah kuwa ramsi ah islamarkaana shirka ka dhacaya hoolka shirarka ayaa ah oo kaliya mid khudbado laga jeedin doono kadibna lagu soo bandhigi doono waxa kulamadan kasoo baxa, islamarkaana uusan qaadan doonin wax ka badan maalin ama laba maalin.