Madaxweynaha Dowlada Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Maanta Tagaya Magaalada Hobyo

Hobyo-(Caasimadda Online)-Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Somalia oo xalay ilaa shalay ku sugnaa magaalada Caabud-waaq ee G/Galgaduud ayaa maanta lagu wadaa inuu tago Magaalda Hobyo.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Ugudanbayntii Madaxweynaha Dowlada Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tagi doonaa Magaalada Cadaado, asagoo doonaya in uu soo qanciyo Bulshada degta Magaaladaasi oo tabasho ka qabta in cadaado lagararay caasimadda maamul goboleedka galmudug lonararay dhuusamareeb .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com