Cosoble oo kashifay arrin halis ah oo ay dowladaha dariska ah ka wadaan maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali C/llaahi Cosoble oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele ayaa ka hadlay arrin xasaasi ah oo ku saabsan faragelin ay dowladaha dariska ah ku wadaan maamula Goboleedyada ka jiro Soomaaliya .

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey inay dowladaha dariska ah hub siiyaan maamula Goboleedyada wuxuuna hadalkaas ka sheegay mar uu maanta booqday Dakadda macmalaka ah Ceel Macaan.

Cosoble ayaa ka dhawaajiyey inay dowladaha dariska ah si sharci darro ah ku siiyaan hub maamula Goboleedyada taasoo aysan qabin sharciyada caalamiga ah, xilli uu ka dhawaajiyey inaysan arrintaas ka warqabin dowladda dhexe sidoo kalana aysan ka heysan wax fasax ah.

Madaxweynaha ayaa tallaabadaan ku tilmaamay inay tahay mid dagaal iyo xasarad ka dhex abuuro karto maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe loona baahan yahay in arrintaas si deg deg ah wax looga qabto.

Madaxweynaha ayaa inkastoo uusan ka dhawaajiyey magaca maamula Goboleedka hubkaan la siiyey haddana wuxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkay hub la siinayo mid kamid ah maamulada ka jiro dalka taasina ay lagama maarmaan tahay inuu si deg deg ah uga hortago madaxweynaha shacabka doorteen ee Farmaajo.

Ilaa hadda waxaa la fahmi la’ayahay sababta rasmi ah ee ka dambeysay inuu madaxweynaha Hirshabelle Cosoble banaanka soo dhigo sirtan qarsoon ee ku saabsan in hub la siiyey mid kamid ah maamul Goboleedyada.

Siyaasiyiinta fallanqeeyo arrimaha Soomaaliya ayaa kuu sheegayo in arrintaan uu ka dhawaajiyey madaxweyne cosoble ay jawaab cad u tahay hadalkii uu dhawaan ka dhawaajiyey Sh. Maxamed Shaakir oo sheegay inaysan Ahlu Sunna aqoonsaneyn maamulka Hirshabelle iyo kan Galmudug, balse waxaa is khilaafayo hadalka madaxweynaha oo ah in hubkaan la siiyey Maamul Goboleed sida la ogyahayna Ahlu Sunna ma ahan mid kamid ah maamul Goboleeyada dalka laga sameeyey.

Ahlu Sunna ayaa lagu eedeeyaa inta badan inay xiriir dhaw la leeyihiin dowladda Itoobiya oo dhawr jeer laga dhawaajiyey inay hub siisay Ahlu Sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com