Heshiiskii Berbera ee Imaaraadka oo lugaha la galay CC iyo xaaladda oo cakiran!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa heshiis muran badan ka dhashay kala saxiixday maamulka Somaliland iyo dowladda Imaaraadka carabta wuxuuna heshiiskaas qorayey in Dakadda Berbera lagu wareejiyo imaaaraadka.

Haddaba su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayey ayaa ah yaa u fududeeyey imaaraadka carabta inay si fudud ku helaan heshiiskaas oo la sheegay inuu ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey muddo.

Wararka hadda soo baxayo ayaa sheegayo inuu arrintaas lug weyn ku lahaa Ra’isulwasaarai dhawaan xilka wareejiyey ee Cumar Cabdirashiid Ci uuna ahaa shaqsigii Imaaraadka carabta u fududeeyey inay saldhig Military dhawaan ka sameysato Berbera.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo ahaan jiray wasiirkii arrimaha dibadda dowladdii kumeel gaarka aheyd oo haddana kamid ah xisbiga mucaaradka ee wadani ee Maamulka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey in Somaliland aysan kaligeed ka dambeyn in Imaaraadka  loo saxiixo Berbera.

Buubaa ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Cumar Cabdirashiid oo uu ku tilmaamay inuu si dhaw ula socday kana war qabay heshiiskaas wuxuuna sheegay inuu si weyn qeyb uga ahaa.

Xisbigaan uu ka tirsan yahay Buubaa ayaa ah xisbi si weyn uga soo horjeedo heshiiskaas ay saxiixdeen maamulka Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo qeexayo inay saldhig weyn ka sameysato Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa kulankii ay baarlamaanka ku ansixinayeen heshiiskaas banaanka uga saartay xildhibaano badan oo ka tirsan Xisbigaan kuwaas oo diiday in la saxiixo heshiiskaas waxaana ugu dambeyn banaanka u saaray ciidamada Somalialnd oo adeegsaday xoog.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa dhawan dowladda Sacuudiga kala hadlay sidii Imaaraadka Carabta looga dhaadhaciin lahaa inay ka laabato heshiiskaas waxaana sidoo kale arrinta kuu ku dhaqaaqay Farmaajo ku tilmaamay wax lagu qoslo maamulka Somalialnd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com