Trump oo sheegay in Obama uu arrin yaab leh ka dhax fuliyey sarta Trump Tower

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaasi Barack Obama ku eedeeyay inuu ku xadgudbi jiray xoriyadiisa mudadii uu ku guda jiray Ganacsiga iyo ololaha.

Donald Trump, ayaa sheegay in Barack Obama uu dhageysan jiray Telefoonadiisa mudada uu hayay xilka Madaxweyninimo, isaga oo yiri “Waxa uu qalabka lagu dhageysto ku xiray sarta Trump Tower ee New York”

Trump, ayaa eedeyntaani ku cadeeyay qoraal uu maanta soo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay, waxa uuna sheegay in talaabooyinka uu qaaday Barack Obama ay tahay mid laga xumaado, sida uu hadalka u dhigay.

Trump, waxa uu sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid dhacday bishii Oktoobar 2016 oo aheyd mudadii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada.

Waxa uu sidoo kale, Madaxweynaha sheegay in Barack Obama uu leeyahay dhaqanka dadka jiran, waxa uuna tilmaamay in arrintaani uu la kaashan doono sharci yaqaanada, si buu yiri wax looga qabto xadgudubka lagu sameeyay.

Donald Trump, ayaa la sheegay in talaabadaani uu ku qafiifinaayo culeysyo waayadaani kaga imaanaayay warbaahinta dalkaasi oo si isdaba joog ah u baahinaayay warbixino dhaawici kara sumcada Trump.

Dhinaca kale, Donald Trump ma uusan keenin cadeymo muujinkara gafka uu tabanaayo, waxa ayna arrintaani la mid noqon kartaa dhaleeceenta uu hawada u marinaayay madaxdii isaga kaga horeysay xilka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Follow

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

Terrible! Just found out that Obama had my “wires tapped” in Trump Tower just before the victory. Nothing found. This is McCarthyism!
Follow

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

I’d bet a good lawyer could make a great case out of the fact that President Obama was tapping my phones in October, just prior to Election!

Follow

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

How low has President Obama gone to tapp my phones during the very sacred election process. This is Nixon/Watergate. Bad (or sick) guy!