Fallanqeyn: Qaab noocee ah ayuu Ugaas Xasan ku yimi Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ah ugaaska ay sida weyn ay uga dambeeyaan beesha Xawaadle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo dagay mid kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Ugaaska ayaa laga dhawaajiyey inuu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isku dayayo inuu qanciyo dhammaan siyaasiyiintii iyo shaqsiyaadkii ay is khilaafsanaayeen dowladdii hore ee waqtigeeda dhamaaday oo uu hoggaanka ku hayey Xasan Shikh Maxamuud.

Ugaaska oo ay la socdeyn wafdi aad u badan ayaa wuxuu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Adan Adde Internationa Airport halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo taliyayaal ka mid ah ciidamada Dowladda.

Haddaba ujeedka ugu weyn oo uu Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Ugaas Xasan ayaa ah sidii uu ula shaqeyn lahaa dowladda cusub maadaama uu yahay nin awood ku leh gobolka Hiiraan, sidoo kalana madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Ugaaska kala tashto dhismaha xukuumadda cusub.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa Ugaaska kala hadli doono sidii loo taageeri lahaa maamulka dhawaan lagu dhisay magaalada Jowhar ee la magac baxay Hirshabelle kaasoo asbuuc ka hor loo dhisay wasiiro cusub waxaana la xasuustaa inuu Ugaaska dhawr jeer diiday inuu soo dhaweeyo maamulkaas.

Ugaas Xasan ayaa lagu sheegaa inuu yahay shaqsi mayal adag oo aan si fudud uga tanaasulin mowqfikiisa waxayna dhawr jeer is fahmi waayeen dowladdii Xasan Shiikh oo isku dayday inay Ugaaska ku qanciso maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Farmaajo oo ay ka go’an tahay inaan la arkin shaqsi saameyn leh oo dowladdiisa kasoo horjeedo ayaa ugaaska ka codsaday inuu Muqdisho imaado wuuna aqbalay waxaana dhawaan la filayaa inay kulan yeeshaan kaasoo looga hadli doono waxyaabo badan.

Waxaa dhagta loo taagayaa waxyaabaha kasoo baxi karo kulanka dhawaan muqdisho ku dhexmari doono Ugaaska iyo madaxweynaxha inkastoo uu Ugaaska si weyn usoo dhaweeyey doorashadii Farmaajo uu ku noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com