Xog-warran: Guuldaradii doorashada iyo isbedelka qorshihii Odowaa ee dhulka danta guud

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Odawaa waa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dowladii waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud sidoo kalana wuxuu laf dhabar weyn u ahaa ururka Damul Jadiid oo ku fashilmay inay guul ka keenaan doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya.

Haddaba xog xaqiiq ah oo soo gaartay Caasimada Online ayaa xaqiijineyso inuu Odawaa ku fashilmay arrin halis ku aheyd hantida guud ee qaranka, taasoo la damacsanaa in la sameeyo markii uu dib ugu soo laabto Xasan Shiikh xilka madaxweynimo.

Dowladii Xasan Shiikh gaar ahaan Odawaa oo ahaa wasiirkii Arrimaha gudaha ayaa dhul kamid ahaa hantida guud ee qaranka ka kiciyey dad masaakiin ahaa oo markii hore halkaas laga iibiyey kadibna ka dhistay guryo ay uga baxday qarash badan.

Wasiirkii arrimaha gudaha oo kaashanayey ciidamo ka tirsanaa dowladdii Xasan Shiikh ayaa si xoog ah dadkii uga kiciyey dhulkaas oo ku yaal agagaarka isgoyska Ex Control Afgooye waxaana daganaa dad masaakiin ah.

Shacabkii daganaa halkaas ayaa markii hore ka biyo diiday inay qaataan amarka xoogga ku dhisan ee Odawaa balse markii dambe waxaa meesha looga kiciyey si awood ah markii loo adeegsaday ciidamo hubeysan oo halkaas mariyey cagaf.

Markii dadkii daganaa halkaas si xoog ah looga kiciyey, Cabdiraxmaan Odawaa, xubno ka tirsanaa dowladii Xasan Shiikh iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay qorshe ay dhulkaas ku siinayaan dad shaqsiyaad ah oo laga qaatay qaarkood lacag badan halka qaar kana ay saaxiib dhaw la ahaayeen dowladdii Xasan.

Caasimada Online ayaa heshay waraaq uu ku saxiixnaa shaqsi kamid ah dadkii uu Odawaa siiyey dhulkaas waxaana uga gaabsan inay Document-gaas halkaan kusoo daabacno arrimo xagga amaanka ah awgeed.

Qorshaha ayaa ahaa in dhulkaas la cabiro loona qeebiyo dadkii la rabay in si sharci darro ah loo siiyo marka ay dhacdo doorashada Soomaaliya markaas oo ay rajeenayeen inuu dib xukunka ugu soo laaban doono Xasan Shiikh Maxamuud oo markii horeba isna arrintaan raali ka ahaa.

Balse midaas ma dhicin Xasan waa laga guuleystay waxaana halkaas ku fashilmay qorshihii lala damacsanaa dhulkaas masaakiinta laga kiciyey oo ku fadhiyey masaafo aad u weyn.

Mid ka mid ah dadkii halkaas laga kiciyey oo u waramay caasimadda Online ayaa u xaqiijiyey in si xoog ah halkaas looga kiciyey sido kalana wuxuu ka dhawaajiyey in halkaas looga burburiyey jiingadihii uu markii hore ka dhistay.

Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si sharci darro ah ku bixisay dhul badan oo ahaa mid danta guud iyadoo lagu wareejiyey shaqsiyaad iyo hey’ado laga qaaday lacag aad u badan, waana arrintii ugu weyneyd ee keentay inay shacabka ka hor imaadaaan dowladaas.

Dowladda cusub oo uu hoggaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inay wax badan ka qabato xad gudubkii iyo boobkii lagu sameeyey dhulkii hantida guud ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com