Madaxweynaha Jabuuti oo hortegaya xildhibaanada labada GOLE+ Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu maanta hortego xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho.

Ujeedka ayaa ah in Geelle uu khudbad xasaasi ah u jeediyo xildhibaanada labada Gole oo xalay loo diray farriin war-gelin ah oo ku aadan inuu hor imaanayo madaxweynaha Jabuuti.

Khudbadiisa ayaa la filayaa in uu diiradda ku saaro xiriirka labada dal ee walaalaha ah, booqasho uu ku yimid Muqdisho & arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, waxaana maalinta labaad xiran waddooyinka magaalada Muqdisho, ayada oo hakad la galiyay gaadiidka.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ay ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo sii joogi doona magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu wadaa in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay xarigga ka jaraan xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ay dowladda Jabuuti ka dhistay gudaha Muqdisho.

Si kastaba, booqashadaan ayaa timid, kadib markii Xasan Sheekh uu laba goor booqday dalka Jabuuti, wxuuna markiisa casuumay Geelle oo shalay lagu soo dhaweeyay Muqdisho.