Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qabsa doonaan Soomaaliya, haddii ciidamada ATMIS ay ka baxaan dalka, ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS.
Ruto oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa codsaday in loo istaago oo Mareykanku hoggaamiyo qorshe looga hortegayo in Shabaab ay qabsadaan Soomaaliya.
Wuxuu si cad u sheegay in xaaladii ka dhacday Afgaanistaan mid lamid ah ay ka dhici doonto Soomaaliya, hadii aan la helin qorshe ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan, wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya oo mar kale lunta ay qaribi karto guud ahaan Geeska Afrika.
âKenya waxay ka hortageysaa caqabadaha amni ee Geeska Afrika, waxaan xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana heysata caqabad dhanka ammaanka ah, sababtoo ah jadwalka ATMIS ooh adda dhigaya in la gaaray waqtigoodii bixitaanka waa mid aan ku saleysneyn shuruudihii loo baahnaa, marka waa in la helo qorshe deg deg ah,â ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.
Ruto wuxuu khudbadaas uga codsaday Mareykanka inay soo faro-geliyaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ee soo gabagabeynaya howlgalkoodii nabad ilaalinta, iyadoo isku filaansho amni aysan gaarin dowladda Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.
âAnagu waxaan rabnaa in dowladda Maraykanka ay soo farageliso arrinta, si loo beddelo jihada qorshaha, talaabo deg deg haddii aan la qaadin oo ciidanka ATMIS aan kala baxno Soomaaliya, waxaa dalka la wareegi doonta argagixiso,â ayuu hadalkiisa ku sii daray William Ruto.
Inta uusan Mareykanka aadin Madaxweynaha Kenya wuxuu Nairobi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay xaaladaha ku xeeran safarkaas iyo waxyaabaha uu ula tegayo madaxda Mareykanka oo casuumaad uu ka helay.
Ma cadda in Xasan Sheekh iyo William Ruto ay isla ogyihiin hadalka uu maanta ka sheegay Mareykanka, balse waxay qaateen wadahadal ku saabsanaa waxyaabaha uu Ruto la shir tegayo ee quseeya danaha labada dal.