Muuse Biixi oo Magacaabay Gudoomiyeyaasha 8 gobol iyo Mas’uuliyiin kale oo dhowr ah (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1-Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

2-Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

3-Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

4-Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal

5-Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

6-Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd

7-Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar

8-Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal

9-Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha

10-Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada

11-Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com