XASAN SHEEKH oo sheegay sababtii hogaaanka Bankiga dhexe isu-bedelay

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sabtidii difaacay guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Somalia Cabdisalaam Cumar, oo laga beddlay jagadaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Cabdisalaam uu iska casilay jagadaas, si uu u dhowr sumacadda Bankiga Dhexe, balse aanu isku casilin warbixintii musuq maasuq ee kooxda Qaramada Midoobe.

“Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe waxa uu ahaa qof nadiif ah” ayuu madaxweyne Xasan ku sheegay wareysi, isaga oo intaas ku daray “Waxa uu doorbiday inay tahay wax u wanaagsan bankiga in shaqada uu la wareego qof kale”.

“Tani macnaheedu ma ahan in Cabdisalaam uu ka baxay dowladda oo idil…..waxaa suurta gal in dhowaan uu la wareego mas’uuliyad kale” ayuu Madaxweynaha Somalia ku yiri wareysiga uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters.

Cabdisalaam waxaa lagu beddelay Yussur Abraar, oo ah haweeney sanado badan kasoo shaqeyneysay hanaanka maaliyadda ee hay’ado badan oo American ah.

Madaxweynaha Somalia ayaa ku warramay in baartiaano ay sameeyeen hay’ado badan lagu ogaaady in eedeynta kooxda QM ay ahayd mid aan jirin, sidaa darteedna aysan u muuqan sabab uu taas darteed qof xil uga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com