Warbixin: Xasan Sh oo xal ka raadiyey odayaasha xilli is-casilaad laga sugayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud,ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay odayaasha soo doortay xildhibaannada baarlamaanka isagoona kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ku ammaanay doorkii ay ka soo qaatayn dhismaha dowladda uu hoggaamiyo, isagoona kala hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda soo cusboonaatay.

Madaxweynaya ayaa la sheegay in uu odayaasha kala hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo dhawaan ka dalbaday in uu is-casilo kaddib markii sidda ay sheegayn uu ku guuldarreestay wax yaabihii laga rabay.

Waxaa la sheegayaa in uu madaxweynaha ka codsaday odayaasha dhaqanka in ay iska soo dhex xulaan guddi loo tababbarro marka uu khilaaf uu soo kala dhex galo madaxda dowladda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha in loo baahan yahay in ay soo bartaan sidda loo xaliyay khilaafaadkii ka dhacay waddamo ku yaalla Afrika

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn odayaasha ugu baaqay dowladiisa iyo dalka si dalka aaney uga dhicin khalkhal siyaasadeed.

Si kastaba, Odayaasha dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan sidda laga yeelayo baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha ee ah in uu is-casilo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com