Sarkaal Ahlu-Suna ahaa oo lagu dilay..

Luuq (Caasimada Online)-War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa lagu dilay degmada Luuq ee gobalka Gedo sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna.

Kooxo hubeysan ayaa toogtay guddoomiyihii maxkamadda Ahlu Sunna ee Luuq, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Dhagaxlaqe.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay baxsadeyn sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, dilka sarkaalkan Ahlu Sunna in uu la xiriiro dagaalka ka socdo Buulo-Xaawo.

Dagaalka ka socda Buulo-xaawo ayaa la sheegay in uu dhexeeyo maleeshiyaad kala taabacsan Ahlu Sunna iyo maamulka degmada Doolow.

Ma jirto cid ka hadashay dilka sarkaalka Ahlu Sunna ee lagu dilay caawa degmada Luuq.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com