DAAWO Wareysi: GAAS: $40 Million oo qaan ah buu nooga tagay FAROOLE

Garowe (Caasimada Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Puntland ayaa ka hadlay caqabadaha ay la kulmeen markii ay xilka qabteen iyo waliba safaradiisii ugu danbeeyey.

Gaas oo ka waramay safaradii uu ku tagay gobalada uu maamulka Puntland ka kooban yahay, ayaa sidoo kale ka hadlay xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Gaas ayaa sheegay in Dowlada Puntland fulin doonto waxa Dastuurkeeda ku qoran ee ah difaacida dadka iyo dalka Puntland.

Dhaqaalaha Puntland

Gaas ayaa sheegay in wakhtigii ay qabteen xilka ay la wareegeen deyn badan oo ay ka tagtay xukuumadii ka horeysay, deyntaasi oo gaareyso 40 milyan oo dollar oo ka maqneyd khasnada Dowlada, arrinta ayaa saameyn ku yeeshay hawlo badan oo ay dowladiisa qorsheenaysay inay qabato.

“…Meesha markaan nimid dhaqaale ma oolin 40 milyan oo deyn ah baan ugu nimid…” ayuu yiri Gaas oo ka jawaabayey su’aal la xariirta qaban qaabada shirweynaha dib u sixida siyaasada Puntland ee lagu wado in la qabto bisha soo socota ee June.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday shacabka Puntland inay bixiyaan canshuuraha si dakhliga dowlada uu u noqdo mid lagu kabi karo adeegyada Bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hada ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u fulin lahaayeen 4 arrimood oo muhiim ah:

Isbedal lagu sameeyo Amniga Puntland
Isbedal lagu sameeyo Cadaalada Puntland
Shaqo Abuuris iyo Wax soo saarka dalka
Dib u dhiska iyo Maalgelinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Gaas oo ka hadlay safaradii uu ku tagay gobalada Puntland ayuu sheegay inuu kusoo arkay baahi badan iyo waxa ay rabaan shacabka Puntland, isagoo sheegay in wax badan ka qaban doonaan baahida kajirta dhamaan gobalada dalka.

Halkan ka daawo Wareysiga oo dhameystiran: