Madaxweynaha oo la sheegay inuu ku adkeystay hal arrin kadib kullankii…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo,ayaa maanta shirar xasaasi ah la qaatay dhinacyada maamullada ku dhistay Baydhabo,iyadoona ay wali socdaan shirarka.

Waxaa la sheegay madaxweynaha inuu la kulmay siyaasiyiin iyo odayaal ka kala socda maamullada dhawaan magaaladaas looga dhawaaqay,waxaana wararkii ugu danbeeyey ay sheegayan madaxweynaha inuu ku wargaliyey xubnaha uuna ku adkeystay in la dhisayo maamul KMG ah kaaso hostagi doonna dowladda faderaalka.

Shirka uu madaxweynaha la leeyahay siyaasiyinta iyo odayaal dhaqameedka,waa mid ay albaabbadu u xiran yihiin wuxuuna ka socdaa xerada 60-aad oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo ay deggen yihiin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo wali soconaya waxaa la sheegay in heer gabo-qabo ah uu ku dhow yahay,waxaana looga hadlaya ismari waagga siyaasadeed ee magaalada ka jira iyo sidii labada dhinac ee labada maamul kala dhistay la isugu soo dhaweyn lahaa,waxaana xusid mudan inaysan jirin ilaa hadda warar faahfaahsan oo laga helay shirka , iyadoo la filayo in saxaafadda war laga siiyo marka uu soo gabagaboobo.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno ayaa saakay la kulmay mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed, kuwaasoo guddi u soo xulay inay kulankan gaar ah ay la yeeshaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha,waxaana guddoomiye Jawaari markii uu halkaa tagay uu la hadlay odayaasha iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka lixda gobol.

Wariye ku sugan xarunta ADC-da ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu cadeeyay in dawlada federaalka Soomaaliya aysan taageereynin labada maamul ee looga dhawaqay Baydhabo.

Jawaari ayaa si cad u sheegay in dawladu ay u aragto labada maamul ee lixda gobol iyo kan saddexda gobol waxba kama jiraan, balse siyasiyiinta labada dhinac ay ku marti qaadi doonaan maamul cusub oo dawladu dhisi doonto oo loo sameynayo gobollada Koonfur Galbeed, inkastoo uusan sheegin tirada gobollada ay ka koobnaan doonto.

Dhanka kale, dadweyne reer Baydhabo ayaa waxay tuban yihiin illinka hore halka uu ka socdo shirka ay leeyihiin ergooyinka, siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaa oo sugaya natiijada kasoo baxda kulankan ay albaabbadu u xiran yihiin.

Dibax-baxayaal careysan ayaa maanta Baydhabo isgu soo baxay,waxaana la sheegay in ay jirdileen wariye Cali Ilyaas Cabdullaahi, iyadoo wariyaha laga soo xigtay in uu la kulmay hanjabaado dhinacyada magaalada isku hayo ay u soo jeediyeen.

Arrinta ka taagan Baydhabo ayaa la sheegay inaysan madaxda dowladdu wali xal ka gaaren,waxaana jirta inay xiisadu wali tahay mid cirta isku shareertay.

Wixii kasoo kordha kulanka kula soco wararkeenna dambe, haddii ALLE idmo.

Isha: RBC