SAWIRRO: Dowadda Soomaaliya oo u hambalyeesay R/Warsaare Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay uguna hambalyeesay guusha ay soo hoyeen ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AKP doorashooyinka dowladdaha Hoose ee dalkaas ka qabsoomay Axaddii shaley .

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya loona gudbiyay safaarada Turkiga ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay si weyn u soo dhaweeyeen guusha siyaasadeed ee Mr. Erdugan.

2014330635318113429698849TURKEY-ELECTION-600x388

Doorashadii shaley ka dhacday Turkiga ayaa si weyn waxaa ugu guuleestay xisbiga AKP, kadidb markii ay heleen codadkii ugu badnaa ee la dhiibtay.

Guusha doorashada waxa ay ka dhigan tahay in ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo xisbigiisa aad looga jecel yahay dalka Turkiga, in kastoo weli uu la kulmaayo mucaaradad xooggan oo kaga imaanaya gudaha iyo dalka.

Turkiga ayaa si weyn u caawiya Soomaaliya iyagoona ka wada mashaariic horrumarineed oo isugu jirra dhismooyinka waddooyinka, goobo caafimaad iyo Iskuulo.

2014330635318113602615143Turkish_ PM_Victory_Speech

2014330635318113718286385b40ab74b0b8d5b7a34c05dc7e09d8856

2014330635318114047960200c92a833b8a5be90c4f0f6a7067007508

201433063531811388947454720140330-635318136318702756w

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com