Madaxweyne Xasan oo safar deg deg ah ugu baxaya Belgium, lana kulmay…

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay galabta la kulmeen qaar ka mdi ah odayaasha iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow.

Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo, kulanka ayaa ka dhacay xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Baydhabo.

Xog badan lagama hayo waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadlay odayaasha iyo siyaasadda maadama saxaafadda ay bannaanka ka joogtay, balse waxaa la lee yahay waxaa labada dhinac ay ka hadleen siddii loo qaboo jin lahaa xiisada ka aloosan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah oo la haday Caasimada Online, ayaa sheegay in odayaasha iyo siyaasiyiinta madaxweynaha ay u shegeen in uu aqoonsado maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, balse madaxweynaha ayaa la sheegay in uu si cad ah ugu sheegay odayaasha ka socday Madoobe Nuunow, inuusan Baydhabo u imaan in uu aqoonsado amaba taageero, mid ka mid ah labada maamul ee ka dhisan magaaladaas.

Madaxweynaha waxaa kaloo odayaasha uu u sheegay in dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal uu la kulmo odayaasha uu  soo doortay, kulankaas ayaa xalay isna ka dhacay xarunta AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labada dhinac u ballan qaaday in uu Baydhabo ku soo laaban doono dhowaan, beritana uu doonaayo in uu u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Bilgium.

Ilaa hadda madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen balse berri ayaa la filayaa in ay soo saaraan war qoraal ah oo lagu faahfaahinaayo madaxweynaha iyo cidda uu la kulmay iyo wax yaabaha ay ka hadleen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com