Baarlamanka Somalia oo maanta meel marinaya miisaaniyada xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah meel marin doona miisaaniyada ay ku shaqeen doonto xukuumadda Somaaliya.

Wasiika maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa la filayaa in uu horgeeyo miisaaniyadda ay ku shaqeenayso dowladda 2014 ilaa 2015-ka.

Dowladda ayaa sheegayso in ay doonayso in ay tallaabo dheeraad qaado si ay u xaqiijiso mustaqbalka maaliyadeed ee Soomaaliya, dib u dhiska dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Miisaaniyadda dowladda ayaa sannadii 2013-kii waxa ay aheyd $114.3 milyan oo doolar, haatanse waxa ay dowladda gaarsiisay $218 milyan oo doolar.

Guud ahaan miisaaniyadda dowladda ay ugu talagalay sannadkan ayaa  la sheegay in ay ka badan tahay 91% miisaaniyadii sannadkii horre 2013, siddaas waxaa shegeay wasiirka maaliyadda oo u warramay saxaafadda.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isweediinaayaan sidda lagu heli doono miisaaniyada ay soo bandhigtay dowladda, iyadoo dowladda itaalkeeda la ogyahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wax dhaqaale ah laga qaadan karin bangiga dhexe ee Soomaaliya ilaa inta baarlamaanka uu meel mariyo miisaaniyadda ay ku shaqeeneyso dowladda sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com