Warbixin iyo xog la xiriirta BANDHIGGA ganacsiga caalamiga ah ee Muqdisho

Shirkada Horn Africa Group  waxaay  22 ila 23 April Magaalada Muqdisho ku qabanaysa  Bandhiga ganacsiyeed  Caalami ah  waxana Bandhigaasi aanu ugu magac darnay  Mogadisho International Trade Show  (MITS)

Kadib marki aanu shaacinay in Mogdisho International Trade Show  (MITS)  uu ka dhacayo Caasimada Somalia ee Muqdisho waxaa si xowli ah u socda  Shirkadaha isku diwaan galinaya in ay ka  qayb qadanayaan   Mogadisho International Trade Show waxaana ila iyo hada is diwaan galiyay  shirkado aad u badan.

Shirkadaha Is diwaan galiyay ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show (MITS)  ayaa waxaay iskugu jiraan Shirkadaha Isgarsiinta Somalia, Shirkadaha Xawaaladaha Somalia , Shirkadaha Diyaaradaha Somalia, Warshado kala duwan oo soo saara  Kaluunka Gasacadaysan,  iyo alabaha kale ee dalka lagu sameeyo.

Guud ahaan Shirkadaha ka soo qayb  galaya  Bandhigaani waxaay ka kala imanayaan Somaliland, Puntland, Konfurta iyo Bartamaha Somalia  iyo Shirkado aan somali ahayn oo heer calami ah kana kala imanaya wado kala duwan.

Diwaan galinta waxa ay ku egtahay 15 bisha April oo noqon doonta maalinta ugu danbaysa ee laga gudomi doono Shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galaya  Mogadisho International Trade Show  (MITS)  codsiyadooda ku sabsan in ay ka soo qayb galan bandhigan.

cropped-Mogadisho-International-Trade-Show1.jpg

     Qaabka Is diwaangalinta 

Shirkada rabta in ay ka qayb  qaadato bandhiga  (MITS)   waxaay ay   Faafaahin   shirkadoda  iyo waxaa ay qabato ku sabsan u soo diraysan  Emailka Shirkada  oo ah  Hornafricagroup@gmail.com   waxaay sido kale  lacagta Fee ga ah  ama Lacagta Is diwaangalinta ah ku shubaysa     Acountiga Shirkadu ay ku leedahay Bank Dahab Shiil  ee sumadiisu ay tahay  (ACC 2042 Berbera  Horn African) waxaad racinaysa  Shirakadada Magaceeda  oo dhamaytiran iyo magaca qofka masulka ka ah….

                                      Qabka ay wax u dhacayaan iyo Jadwalba 

22 April waxa si rasmi ah u furmaya  Mogadisho International Trade Show  (MITS)  waxaa  barnamijka maalintaasi uu ku bilabanaya  Ayadaha quranka Qariimka ah  ka dib waxaa la guda galaya Khudbado koban oo ay soo jeedin doonan  Masuliyiin kala duwan oo lagu marti qaday  Furitaanka Mogdisho International Trade Show  (MITS) iyo qaar ka mid ah Masuliyiinta Shirkadaha waaweyn ee Somalia.

Intaas ka dib waxaa la guda galaya  Bandhigii Rasmiga aha  waxaa Shirkada kasta oo is diwaan galisay la siinaya  goob ay ku soo bandhigato ganacsigeeda  ayado sido kale dadweynaha  u soo adegtagaya  Bandhigaan lo fasixi doono in ay gudaha  soo galan oo ay ka adegtaan alabaha  casriga ah ee qimaha jaban ee lagu soo bandhigi doono Bandhiga Mogadisho International Trade Show (MITS)

Maalinta labaad ee Mogadisho International Trade Show  (MITS)  ayaa ayadana ku bilaaban doonta Khudbado ay jeedin doonan Shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show  (MITS)  intaasi ka dib waxaa la guda galaya  bandhiga Rasmiga ah  ayado Shirkad kasta  ay helayso goobti ay ku soo bandhigi lahayd ganacsigeeda.

Saacado kadib isla 23 bisha April  waxaa ka soo qayb galayaasha la siin doonan fursado ay isku bartaan  islammarkana ay telefoonada iskaga qortaan   ganacsatada ka imanaysa Dibada kuwa  ka imanaya Gobolada sida Puntland iyo Somaliland  iyo waliba Ganacsatada Muqdisho.

Intaasi ka dib waxaa la guda galaya  Siminaar kooban oo ku sabsan sida ugu haboon ee  ganacsiga   Somalia uu ula jan qaadi  karo ganacsiga calamka iyo heerarka u soo maray ganacsiga calamka iyo  halka uu hada tagan yahay iyo waliba heerka ay Somalia uga jirto ganacsiga calamka.

Siminaarkaasi waxaa bixin doona  khuburo ku taqasuustay ganacsiga caalamka  waxana uu noqon doona  siminar wax badan ka badala qaabka ay u shaqeeyaan ganacsatada Somalia.

Siminaar kaas ka dib waxaa  bilaaban doona khudbado  lagu soo xirayo  Bandhiga Mogadisho International Trade Show  (MITS) oo ah Bandhig ganacsiyeedkii ugu horeyay ee Muqdisho lagu qabto  23 sano oo burbur ah ka dib.

                    Faaidoyinka uu Bandhigan u leeyahay Shirkadaha Somaliyeed

Shirkada ka soo qayb gasha  Mogadisho International Trade Show (MITS) waxaay ka heli karta Faidoyinkaan soo socda.

1- Alaabaha  Shirkadu ay ku soo bandhigto  Carwadan oo  la gadan doono

2- Xiriir ganacsi oo aad  la sameyn karto  ganacsatada ka imanaysa  Gobolada Somalia si uu iskaashi idin dhex maro.

3- Xiriir aad la samaynayso Shirkadaha Caalamiga ah ee ka soo qayb gali doona Bandhigaan kuwaas oo aad u kala faidi kartaan siyaaalo kala duwan.

4- Baahin lacag la,aan ah oo aad helidoonto waxaana ganacsigaga laga dawan doona  dunida Dacaladeeda  inta ay socoto  Carwadan.

5- Aqoon kororsi  ku sabsan dhanka ganacsiga oo aad heli doonto kaas oo ay bixin doonan  khuburo ku taqasuusay  ganacsiga calamka waxana laga yaaba in Siminarkaasi uu wax weyn ka badalo  qaabka aad u ganacsato faa,idoyinkaas iyo kuwa kale oo badan ayaad heli doonta hadi aad  Shirkadada ka diwaan galiso Bandhiga  Caalamiga ah ee Mogdisho International Trade Show  (MITS)

Bandhigaan waxaa ka soo qayb galaya oo ku marti qaadan  Saxaafada Calamka iyo mida  maxaliga ah waxaana Shirkada Horn Africa Group ay guud ahan Shirkadaha ka soo qayb galaya  Bandhiganii ay fursad u siin doonta in ay  Ganacsigooda laga daawado dunida dacaladeeda.

 

—-     DHAMAAD—

 

Maamulka Shirkada Hornafrica Group LTD

Website  :        Hornafricagroup.com

Email        :      Hornafricagroup@gmail.com

Telefoon:    00252618475067

————- 00252617234111

————- 00252699968111

————-+31684020686