Nabad-sugidda Somalia oo ku dhegan Xildhibaan Xiddig kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa looga yeerey Xarunta Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si suaalo looga weydiiyo hadal uu dhawaan Warbaahinta Siyey.

Xidhibaanka ayaa waxaa wax laga weydiyey Aflagaado uu dhawaan u geystey Ciidamadda Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoona si qaas ah loogu eedeyey in uu ku xadgudebey Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulaahi Goodax Barre iyo sidoo kale Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Gen Daahir Indhoqarshe.

Kadib Wareysi dheer oo ay hay’adu la yeelatey xildhibaanka ayaa xalay xili danbe loo ogolaadey in uu ku laabto hoyga uu Muqdisho ka degenyahay.

Geesta kale shalay ayey aheyd markii Hay’ada Nabadsugida Qaranku ay Gudoonka Baarlamanku ka dalbatey in ay xasaanadda ka qaadan Xildhibaan Xiddig si loogala xisaabtamo Xadgudubyada iyo Aflagaadda uu u geystey Taliska Xooga Dalka iyo weli Wasiirka Arimaha Gudaha.

Xildhibaan Xiddig, ayaa ah wakiil si aad ah ugu ololeeya maamul beeleedka Axmed Madoobe, isaga oo ana marnaba dan shacab iyo mid qaran ka hadal.

Isku soo wada dubee maalin ka hor ayey aheyd markii Gudoonka Ahlusunna Waljameeca ee Gobaladda Konfureed uu Xildhibaan Xiddig ku eedeyey in uu yahay shaqsi dhiira geliya Xasuuqa ka socda Magaaladda Kismaayo, isagoona Dowladda Soomaaliya ka codsadey in ay la xisaabtanto Xildhibaan Xiddig.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com